Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Dib Ugu Laabtay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafti uu hoggaaminayey oo Booqasho ku joogay Burundi iyo Jabuuti ayaa maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho.

1550681027b6c26.jpg


Madaxweynaha Soomaaliya ayaa intii uu ku sugnaa dalka Burundi waxuu kulan uu la qaatay Madaxweynaha Burundi, isaggoo kala hadlay arrimo dhowr ah oo ay ugu muhiimsantahay siddii la isaga kaashan lahaa dagaal lagu jiro Kooxda Alshabaab, maadaama Burundi dalka Soomaaliya ay ka joogaan Ciidamo qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa caasimada Jabuuti kulan kula yeeshay Madaxweynaha dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana ay ka wada hadleen xidhiidhka labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa, iyaggoo kulankooda ku lafo-guray xaaladaha guud ee gobolka.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa ka baaqday scodaal la filayay in uu maanta ku tago magaalada Adis-Ababa, si halkaasi oo ay ku kulmayeen madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, iyad oo waxyaabaha baajiyay qeyb ay ka tahay caqabado soo baxay.

Caqabadaha soo baxay durba waxaa kamid ah cidda yeelaneysa doorka dhex dhexaadinta iyo heerka kulanka labada dhinac, waxa la filayaa in labada Madaxweyne ee Muuse Biixi iyo Farmaajo ay kulmi doonaan marka uu Madaxweyne Farmaajo ka soo laabto shir ka dhacaya dalka Masar.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this