Deeq A. Posted February 20, 2019 Addis Ababa (SMN) – Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa xafiiskiisa maanta ku qaabilay Madaxwaynaha Somaliland, Muus Biixi Cabdi, oo halkaasi booqday. Kulanka labada mas’uul oo diirada lagu saarey arrimo badan ayaa waxaa qayb ka ahaa wasiiro ka kala socda labada dhinac. Sida laga soo xigtay qoraal kasoo baxay xafiiska Abiy Axmed, waxay isla meel-dhigeen xoojinta cilaaqaadkooda iyo ka shaqeynta amniga iyo nabada. War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in Muuse Biixi uu ogolaaday in uu xoojiyo wadasheyn dhow oo uu la yeesho dowlada dhexe ee Soomaaliya. Sidoo kale, Muuse Biixi iyo Abiy Axmed ayaa hoosta ka xariiqay muhiimada ay leedahay in laga shaqeeyo in dib loo bilaabo wadahadalada DFS iyo Somaliland oo hakad ku jira. Ugu dambeyntii, bayaanka ayaa lagu cadeeyay in ay isku afgarteen in ay yeesheen Ethiopia iyo Somaliland xiriir dhinaca isticaalka dekadaha iyo dhaqaalaha ah. The post Ethiopia oo isku soo dhaweyneysa DF iyo Somaliland appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites