Sign in to follow this  
Deeq A.

Biixi oo gaaray Addis Ababa – Yaa ku soo dhoweeyey garoonka? (Arag Sawirro)

Recommended Posts

Deeq A.   

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland iyo weftigii uu hoggaaminayey, ayaa gaadhay caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, waxana halkaas si diirran ugu soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan dawladda federal-ka Itoobiya .

Xubnaha soo dhoweeyey Muuse Biixi, ayaa waxaa hogaaminayey wasiirka wasaaradda Maaliyadda Itoobiya, Mudane Axmed Shide, waxaana ka mid ahaa wasiiru-dawlaha wasaaradda arrimaha dibadda,  Mrs. Hirut Zemene, agaasimaha arrimaha dawladdaha deriska u qaabilsan Itoobiya, Ato Yibeltal iyo xubno kale oo katirsan dawladda federaalka Itoobiya.

Madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayo, ayaa si heer sare ah loogu qaabilay madaarka Bole International Airport ee magaalada Addis Ababa, iyada oo ay gudo geli doonaan kulamadii ay la lahaayeen ra’iisal wasaaraha dawladda Federal-ka Itoobiya, Dr. Abiy Ahmed.

Waa markii ugu horreysay ee madaxweyne Biixi uu safar ku tago dalka Itoobiya tan iyo markii uu xilka qabtay Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Abiy Axmed.

Muuse Biixi ayaa muddo dheer dadaal ugu jiray inuu la kulmo Abiy Ahmed, waxaana dadaallo dhowr ah oo horey u sameysay Somaliland ka cudur daartay Abiy Ahmed, waxaase muuqata in ugu dambeyn la aqbalay codsigii xukuumadda Hargeysa.

Bulshadda kunool degaanada maamulka Somaliland ay aaminsan yihiin in Madaxweyne Farmaajo uu ka mamnuucay Madaxda dowlad goboleedyadda in ay taggaan dalalka dariska la ah Soomaaliya.

Muuse Biixi ayaa dhowr jeer oo horey weerar ku qaaday madaxweyne Farmaajo isaga oo ku eedeeyey inuu cunaqabateyn iyo go’doon geliyey Somaliland.

52776040_2042764665837376_63168172450119 52520486_2042764692504040_69168703901112 52461575_2042764675837375_73675676409250 52803689_2042764755837367_29932331073913 52487869_2042764945837348_23480368881886 52838883_2042765005837342_33338040466611 52422222_2042765172503992_33280925046616 52337605_2042765195837323_34957032683806

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this