Deeq A. Posted February 20, 2019 Pretoria (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil saacadihii la soo dhaafay laba ruux oo ahaa ganacsato Soomaali ah loogu geystay magaalada Pretoria ee waqooyiga dalka Koonfur Afrika. Dilka labadan Qof ayaa ka dhacay deegaan ay ku badan yihiin ganacsatada Ajaaniibta ah ee dalkaasi. Magacyada ganacsatada Soomaalida ee la dilay ayaa lagu soo koobay Axmed iyo Cumar, waxaana weeraray rag hubeysan oo damacsanaa in ay boobaan hantidooda. Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ayaa gaaray meesha uu dilku ka dhacay, kuwaas oo sameeyay baaritaano lagu baadi goobayay kooxihii ka dambeeyay falkaasi. Isniintii la soo dhaafay ayey aheyd markii ganacsade Soomaaliyeed lagu dilay gudaha dalka ee K/Afrika, kaas oo lagu magacaabi jiray Yuusuf Maxamed Ibraahim. The post Ganacsato Soomaaliyeed Oo lagu dilay Koonfur Afrika appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites