Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo dad ay ku jiraan Soomaali ku xirtay Nairobi

Recommended Posts

Deeq A.   

Kabenguuriya (SMN) – Saraakiisha Booliska magaalada Kabenguuriya ee Kenya ayaa xabsiga u taxaabay 28 qof oo ay ku jiraan Soomaali, kadib markii ay isku dayeen in ay si sharci darro ah ku galaan magaalada Nairobi ee xarunta dalkaasi.

Taliyaha Booliska magaalada Kabenguuriya ayaa sheegay in 28-ka ruux ee la xiray ay 23 ka mid ah ay yihiin Soomaali deganaa xerada Kaakuma, halka inta kale ay yihiin dad u dhashay dalka Sudan.

Sidoo kale taliyaha ayaa hadalkiisa intaasi raaciyay in dadkan ka soo baxay xerada Kakuma la qabtay, iyagoo saaran gaari Bas ah, islamarkaana ay ku sii jeedeen caasimadda Nairobi.

Maamulka xerada qaxootiga ee Kaakuma oo wax laga weydiiyay socdaalka dadkan ayaa sheegay in aysan waxba ka ogeyn safarkooda.

Dhawaan Booliska Kenya ayaa ku dhawaaqay in ay bilaabeen howgallo lagu baacsanayo dadka, sida sharci darrada ah ku jooga Nairobi,si loo adkeeyo ammaanka magaaladaasi.

The post Kenya oo dad ay ku jiraan Soomaali ku xirtay Nairobi appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this