Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Soomaaliya oo xeer ka soo saartay gelida heshiisyada caalamiga ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa lagu soo bandhigay Xeerka dhaqan gelinta habraaca Heshiisyada dowladda Federaalka la gasho dalal, shirkado iyo hay’addo ajnabi ah.

Habracan ayaa la sheegay inuu yahay midka loo baahan yahay inay maraan cid walba oo ka tirsan dowladda xilliyada ay heshiis galeyso.

Xubnaha Wasaaradaha iyo Hay’adaha dowladda ayaa ka reeban inay heshiis toos ah iyo mid dadban intaba la galaan, Dalal, Shirkado ama sidoo kale Hay’addo Ajnabi ah, iyada oo aan la raacin habraaca la soo saaray, sida lagu sheegay farqada cad qodobkiisa labaad.

Sidoo kale War-Saxaafadeedka kasoo baxaya Xafiiska Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa lagu cadeeyay heshiisyada lala gelayo Dalal, Shirkado ama sidoo kale Hay’addo Ajnabi ah la horgeeyo Golaha Wasiirada Soomaaliya, sidoo kalena lasoo marsiiyaa Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya waaxdeeda Sharciyada iyo heshiisyada Caalamiga ah.

Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka kasoo baxay Xukuumadda Soomaaliya

Xeerka-Dhaqan-gelinta-Hab-raaca-Heshiisy Xeerka-Dhaqan-gelinta-Hab-raaca-Heshiisy

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this