Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Kulankii Farmaajo iyo Muuse Biixi oo baaqday iyo Farmaajo oo soo aaday Xamar

Recommended Posts

Deeq A.   

Adis Ababa (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo dalka Jabuuti ayaa sheegaya in inuu baaqday kulan la qorsheynayey in maanta uu adaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo magaalada Addis Ababa kula yeesho madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

Farmaajo oo xalay soo gaaray magaalada Jabuuti, wadahadalna maanta la qaatay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa hadda kasoo duulay Jabuuti, isaga oo kusoo wajahan Muqdisho.

Wararku waxay sheegayaan in Farmaajo ka baaqday safarkii Itoobiya iyo kulankii ay qabanqaabisay Itoobiya ee  dhex mario lahaa isaga iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in inkasta oo kulanka la isku raacay markii hore haddana la isku qabtay qodobo muhiim ah oo ku saabsan wada-hadalka.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa Maanta safray magaalada Addis Ababa, kaddib markii uu martiqaad uu u soo diray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.

War-saxaafadeed goor dhow kasoo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu xaqiijiyey in Muuse Biixi uusan Addis-Ababa kula kulmi doonin cid aan ahayn Abiy Ahmed.

Ilaa iyo hadda si cad looma oga qodobada la isku qabtay, hase yeeshee wararka ayaa sheegaya in Farmaajo diiday in wada-hadalka saddex geesood noqdo, oo Itoobiya qeyb ka noqoto sida Muuse Biixi uu rabo, balse Farmaajo uu doonayo in Itoobiya ay lahaato kaliya door qaban-qaabin kaliya.

Muuse Biixi ayaa horey shuruud uga dhigay inuusan aamini karin dowladda Soomaaliya, sidaas darteed wada-hadal kasta oo uu la galo ay qasab tahay inay dhinac saddexaad goobjoogo ka noqoto.

Farmaajo ayaa aaminsan in Soomaalida ay ayaga un waxooda dhameystaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this