Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha JFS Oo la kulmaya Dhiggiisa Jabuuti

Recommended Posts

Deeq A.   

Jabuuti (SMN)  – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Jabuuti ayaa maanta kulan la qaadanaya Madaxweynaha dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada madaxweyne ayaa ka wada hadli doona xoojinta xiriirka walaaltinimo, iskaashiga amni ee labada dal iyo xaaladda guud ee gobolka Geeska Afrika.

Safarkan waxaa Madaxweynaha ku wehelinaya wasiirka Gaashaandhigga, La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed.

The post Madaxweynaha JFS Oo la kulmaya Dhiggiisa Jabuuti appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this