Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya Oo amartay in xabsiga lagu hayo nin Soomaali ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Mandera (SMN) – Maxkamad ku taalla magaalada Mandera gobolka waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa amartay in muddo shan maalmood ah la sii hayo nin Soomaali ah oo looga shakiyay in uu basaas u ahaa Al Shabaab.

Maxkamadda ayaa sheegtay in muddada shanta cisho ah ay sameyn doonto baaritaano ku aadan kiiska loo heysto muwaadinkan Soomaaliyeed oo magaciisa lagu sheegay Abdul Yamah Xasan oo sidoo kale heysta dhalasho Ugandes ah.

Laanta la dagaalnka argagixisada dalka Kenya ayaa dhawaan ninkan ka soo qabatay gudaha magaalada Mandera,waxaana uu ku eedeysay in uu si hoose siro ugu gudbinayay Al Shabaab oo weeraro ka geysta Dalkaasi.

Muddooyinkii dambe ciidamada Booliska Kenya ayaa kordhiyay howlhgallada lagu xaqiijinayo amniga ee ka socda xadka Soomaaliya.

The post Kenya Oo amartay in xabsiga lagu hayo nin Soomaali ah appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this