Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxo hubeysan oo dil ka geystay M/ Muqdidsho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Rag ku hubeysan bastoolado ayaa barqanimadii maanta dil ka geystay xaafadda Siigaale degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Dilkan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo geystay mid ka mid ah ku xigeenada xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Mursal, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Kooxda dilka fulisay ayaa la sheegay in ay horay u qaateen Gaari uu watay Marxuumka, iyadoona markii dambe ciidamada amniga gaarigaasi ay ku qabtaan agagaarka warshadda caanaha ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in raggii ka dambeeyay falkaasi ay goobta isaga baxsadeen.

Dhinaca kale Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada dilkan, sida ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka.

War ka soo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in toogasho ay ku dileen sarkaal ka tirsanaaa xeer ilaalinta dowladda Soomaaliya.

Dilkan ayaa qeyb ka noqonaya falal liddi ku ah amniga oo muddooyinkii la soo dhaafay ka dhacayay magaalada Muqdisho.

The post Kooxo hubeysan oo dil ka geystay M/ Muqdidsho appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this