Deeq A. Posted February 20, 2019 Muqdisho (SMN) – Xasan Cali Khayre ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta xeer ka soo saaray dhaqan gelinta habraaca Heshiisyada ay gasho dowladda federaalka Soomaaliya. Xeerkan ayaa waxaa looga reebay wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladda in heshiisyo toos ah ama kuwa dadban ay la galaaan hay’ado ama dalal shisheeye, iyadoo aan la raacin tallaabooyinka ku cad farqada labaad ee qodobka. Sidoo kale xeerka ayaa dhigaya in Heshiisyada la galayo la horgeeyo golaha wasiirada Soomaaliya, kadib marka la soo marsiiyo wasaaradda arimaha dibadda, gaar ahaan waaxdeeda sharciyada iyo heshiisyada caalmaiga ah iyo Garyaqaanka guud ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Halkan hoose ka Akhriso:- The post Akhriso:-XFS Oo Habraac u sameysay Heshiisyada appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites