Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka Oo bogaadiyay horumarada Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

New York (SMN) -Taliyaha Mareykanka ee AFRICOM Thomas Waldhauser oo warbixin siinayay guddiga xildhibaanada Sanotarada ciidamada Mareykanka ayaa shaacka qaaday in Soomaaliya hormar la taaban karo ay ka sameysay dhanka aminga 10-kii sano ee la soo dhaafay.

Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay in Mareykanka uu si dhow ula shaqeeyay beesha caalamka iyo saaxibada Soomaaliya, sida QM iyo Midowga Africa.

“Dhammaan waxaan xoogga saarnay sidii Soomaaliya loogu soo dabaali lahaa nabad iyo xasilooni iyo sidii ay uga soo kabsan laheyd xaaladihii aadka ee soo maray”. Ayuu yiri taliyaha AFRICOM.

Thomas Waldhauser ayaa intaasi raaciyay in Mareykanka uu sii wadayo duqeymaha ka dhanka ah Al Shabaab iyo Daacish ee Soomaaliya.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli sanadkan dowladda Mareykanku ay kor u qaaday howlgallada ay ka fuliso Soomaaliya.

The post Mareykanka Oo bogaadiyay horumarada Soomaaliya appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this