Sign in to follow this  
Deeq A.

Sarkaal ka tirsanaa xafiiska xeer ilaalinta Soomaaliya oo Muqdisho lagu dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay dileen sarkaal ka tirsanaa xafiiska ilaalinta Qaranka, kaasi oo ku sugnaa degmada Hodon ee gobolka Banaadir.

Kooxo hubeysan ayaa sarkaalka ka tirsan xafiiska Xeer ilaalinta waxay ku dileen xaafadda Siigaale ee degmada Hodon, sida dad goobjoogayaal ah ay inoo sheegeen.

Ruuxa la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Mursal, waxaana wararka ay sheegayaan in dablayda dilka geysatay ay ka baxsadeen goobta.

Sidoo kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in dableyda dishay Maxamed Mursal ay kaxeysteen gaari uu watay.

Ma jirto cid sheegatay ilaa iyo hadda masuuliyadda dilka, waxaana ciidamada dilka kadib ay goobta ka bilaabeen baaritaanka dadka gaariga la baxsaday.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this