Sign in to follow this  
Deeq A.

Wiil Soomaali Ah Oo Lagu Dilay Ingiriiska Iyo Meydka Nin Kale Oo Soomaali Ah Oo La Helay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Birmingham)-Marxuum la odhan jirey Siid Cali Maxamed oo 16-jir ah ayaa waxaa uu u geeriyooday dhaawac Tooreey oo lagu dhuftay toddobaadkii hore, isago oo dhowr maalmood ku jiray Cisbitaalka, isagoo miyir beelsanaa ama Koma ku jiray.

UK-POLICE-IN-WEST-HULL.jpg

Booliska dalkaasi ayaa sheegay inay qabteen 2 qof oo lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen falkaasi oo ka dhacay magaalada Birmingham ee dalkaasi.

Marxuumka geeriyooday waxay isaga iyo qoyskiisa u qaxeen dalka Britain si ay nolol fiican uga helaan.

Dhinaca kale, wiil 16-jir ah iyo haweeney 18-jir ah oo ku eedeysan inay ka dambeeyeen dilka Marxuum Siid-Cali Maxamed ayaa la soo taagay Maxkamadda Birmingham, wuxuuna Garsooruhu amray in Xabsiga lagu sii hayo, waxaana dacwadooda dib loo la dhegeysan doonaa bisha soo socota ee Maarso 18-da.

Wararka kale ee naga soo gaadhaya dalka Britain waxay sheegayaan inay Boliska heleen maydka nin Soomaali ah ka heleen hoygiisa oo ku yaallo Galbeedka Degmadda Hull ee Gobalka Yorkshire.

Marxuumka maydkiisa la helay waxaa magaciisa lagu sheegay DAAHIR BAYGAS DIIRIYE, waana 60-jir, ilaa haddana booliska Britain waxay la’ yihiin qaraabadisia ama cid aqoonsata, iyagoo sheegay in uu wakhti dhawayd u soo wareegay Degmadda Hull.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this