Deeq A. Posted February 20, 2019 Laba qarax oo xooggan ayaa goordhow ka dhacay degmada Baardheere ee Gobolka Gedo kuwaas oo lala eegtay ciidamo ka tirsan Itoobiya. Qaraxyadan oo ka dhacay bartamaha degmada Baardheere ayaa la sheegayaa iney ka dhasheen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, laakiin tiro sax ah lama hayo. Wadada qaraxan uu ka dhacay oo ah waddo muhiim ah oo dadku ay isticmaalan ayaa la sheegayaa in gabi ahaamba ay xireen ciidanka Itoobiya. Qaraxyadan kadib ciidanka Itoobiya ayaa ku faafay, xaafadaha degmada Baardheere, waxaana dadka degaanku ay ka baqayaan dhibaatooyinka soo noq-noqday ee degmadiaasi ka dhaca. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites