Deeq A. Posted February 20, 2019 Baardheere (SMN) – Inta la xaqiijiyey 8 askari ayaa ku geeriyootay ku dhawaad 10 kalena waa ku dhaawacmeen , kadib qaraxyo waa weyn oo saaka aroortii hore lala eegtay cutubyo ka tirsan ciidamada Ethiopia ee ku sugan degmada Baardheere ee G/Gedo. Ciidamada ay Miinooyinkan ay la kaceen, xilli ay marayeen waddada Jayga ee gasha garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi. Xaaladda ayaa hadda dagan, iyadoona ciidanku baaritaano ay ka bilaabeen halkaasi, inkastoo aan la ogeyn natiijada howlgalkaasi. Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxyadan, balse Al Shabaab ayaa inta badan weeraro xoogan ka fuliya gobolka Geedo ee K/ Soomaaliya. The post Askar Itoobiyaan ah Oo lagu dilay M/ Baardheere appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites