Sign in to follow this  
Deeq A.

Burundi Oo ku baaqday shir looga hadlayo arrimaha AMISOM

Recommended Posts

Deeq A.   

Bujumbura (SMN) – Madaxweynaha dalka Burundi Pierre Nkurunziza ayaa dalalka qeybta ka ah howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya ugu baaqay in ay isugu yimaadaan shir deg-deg ah,si ay uga arrinsadaan qorshaha ciidamada dalkiisa uga baxayaan Soomaaliya.

Madaxweyne Nkurunzizi ayaa baaqaasi jeediyay mar uu shir jaraa’id qabtay ,kadib kulan albaabada ay u xirnaayeen uu la qaatay madaxweynaha Soomaaliya .

Madaxweyne Farmaajo ayaa booqasho rasmi ah ku  tagay magaalada Bujumbura ee caasimada dalka Burundi,waxaana booqashadiisa ku wehlinayay wafdi balaaran oo uu ka mid yahay wasiirka difaaca Soomaaliya iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka.

Pierre Nkurunziza madaxweynaha dalka Burundi ayaa tilmaamay in gudiga nabada iyo amniga ee Midowga Africa ay gaareen go’aan aan farxad galin dowladdiisa,taasina ay tahay sababta uu shir deg-deg ah isugu yeeray dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Sidoo kale madaxweynaha  Burundi ayaa ku baaqay in qorshaha ka bixitaanka AMISOM ee Soomaaliya loo baahan yahay in tiro ahaan si isku mid ah loogu qeybiyo shanta dal ee ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya.

Dowlada Burundi ayaa lixdii bilood 18 Milyan oo Dollar ka hesha howgalka Midowga Africa,taas oo mag dhaw u ah ciidamada looga dilo  howgalka Soomaaliya.

The post Burundi Oo ku baaqday shir looga hadlayo arrimaha AMISOM appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this