Deeq A. Posted February 20, 2019 Birmingham (SMN) – Ciidamada Booliska dalka Ingiriiska ayaa baaraya dil Arday Soomaaliyeed loogu geystay magaaladda Birmingham ee dalkaasi. Maxamed Sidali oo ahaa Arday wax ka baranayay College-ka lagu magacabo Joseph Chamberlain ayaa u geeriyooday dhaawac Arbacadii la soo dhaaf loogu geystay ilinka hore ee goobta uu wax ka baranayay. Waalidiinta wiilkani Soomaaliyeed ayaa ka dalbaday hay’adaha garsoorka Ingiriiska in ay cadaaladda horkeenaan cidii ka dambeysay dilka wiilkooda. Sidoo kale Waalidiinta ayaa xusay in wiilkoodu aha Arday lahaa hami mustaqbal oo ifiya, islamarkana dilkiisu uu ku reebay argagax iyo murugo xoogan. Ugu dambeyn waxa ay tilmaameen in colaadihii sokeeye ee Soomaaliya ay kaga soo carareen dalkooda, balse haatan si nasiib darro ah wiilkooda lagu dilay halkii ay soo maciin bidieen. The post Ingiriiska oo baaraya dil loo geystay Arday Soomaali ah appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites