Sign in to follow this  
Deeq A.

Ingiriiska oo baaraya dil loo geystay Arday Soomaali ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Birmingham  (SMN) – Ciidamada Booliska dalka Ingiriiska ayaa baaraya dil Arday Soomaaliyeed  loogu geystay magaaladda Birmingham ee dalkaasi.

Maxamed Sidali oo ahaa Arday  wax ka baranayay College-ka lagu magacabo Joseph Chamberlain ayaa u geeriyooday dhaawac Arbacadii la soo dhaaf loogu geystay ilinka hore ee goobta uu wax ka baranayay.

Waalidiinta wiilkani Soomaaliyeed ayaa ka dalbaday hay’adaha garsoorka Ingiriiska in ay cadaaladda horkeenaan cidii ka dambeysay dilka wiilkooda.

Sidoo kale Waalidiinta ayaa xusay in wiilkoodu aha Arday lahaa hami mustaqbal oo ifiya, islamarkana dilkiisu uu ku reebay argagax iyo murugo xoogan.

Ugu dambeyn waxa ay tilmaameen in colaadihii sokeeye ee Soomaaliya ay kaga soo carareen dalkooda, balse haatan si nasiib darro ah wiilkooda lagu dilay halkii ay soo maciin bidieen.

The post Ingiriiska oo baaraya dil loo geystay Arday Soomaali ah appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this