Sign in to follow this  
Deeq A.

Ganacsatada Baydhabo oo go’aan ka qaadatay Khaadka iyo Kismaayo oo Khaad laga sugayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalooyinka Gaalkacyo iyo Baydhabo ayaa sheegaya in ganacsatada Khaadka ee magaalooyinkaasi ay raaceen go’aankii ay qaateen Ganacsatada ku sugan magaalada Muqdisho.

Qaar kamid ah ganacsatada magaalada Gaalkacyo iyo Baydhabo ayaa sheegay inaysan marnaba aqbaleyn inay Khaadka ka keenaan dalka Kenya, iyadoo ganacsatada Kenya ku hanjabeen inay Jaadka Somalia joojin doonaan.

Laakiin waxaa soo baxaya warar sheegaya in wali Ganacsatada Kismaayo go’aan aysan qaadan inay joojiyaan Khaadka ay ka keenaan dalka Kenya, waxaana la sheegayaa inay maanta Khaadka keeni doonaan.

Xaawo Cabdi Cali oo kamid ah ganacsatada Khaadka ka keena dalka Kenya kuna sugan magaalada Baydhabo ayaa sheegtay inay gabi ahaanba joojiyeen Khaadka ay ka keeni jireen dalka Kenya islamarkaana ay raacsan yihiin go’aankii Ganacsatada Muqdisho.

“Waxaan kamid ah Khaadka dadka Kenya ka keensada, waxaan hadda kadib garab taaganahay dowladeyda, waana joojinay inaan Khaadka ka keeno Kenya, dhibaato ayuu nagu hayaa Khaadka, kama safan karno qarankeena”ayuu yiri Xaawo Cabdi.

“Dhibaato ayuu nagu hayaa Khaadka, Kenya inaga kuma noolin ee iyagaa nagu nool, malaayiin doolar ayaa maalin walbaa nagala qaataa, inaga waxba nagama soo galaan”.

Kismaayo ayaa Khaadka looga keena doomo dhanka xeebta soo mara, waxaana la sheegayaa inay maanta Khaadka soo dajin doonaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this