Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax ka dhacay degmada Baardheere iyo Ciidamada Ethiopia oo joojiyay dhaqdhaqaaqii dadweynaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Baardheere (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baradheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada Ethiopia halkaasi lagula eegtay Qarax, kaasi oo waxyeelo ay ka soo gaartay.

Qaraxa ayaa ka dhacay bartamaha magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, waxaana la sheegay in ciidamada Ethiopia xiligaasi ay marayeen bartamaha magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

Lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxa, balse dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamada ay hakiyeen gabi ahaanba dhaqdhaqaaqii xaafadaha magaaada Baardheere ee gobolka Gedo.

Sidoo kale Ciidamada Itoobiya ayaa ku faafay xaafadaha ku hareereysan waddada bartamaha Magaalada marta ee qaraxyada lagula beegsaday.

Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxyada, waxaana ay sheegeen inay ku dileen ciidamo Ethiopian ah.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.

Caasimada Online
Xafiiska Gedo
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this