Sign in to follow this  
Deeq A.

Maareeyaha Dekadda Berbera oo ku qarwaya kuna Riyoonaya DP World oo wac ka siinaysa Deked 400 oo Metera August 2020

Recommended Posts

Deeq A.   

Maareeyaha Dekadda Berbera oo ku qarwaya kuna Riyoonaya DP World oo wac ka siinaysa Dekad 400 oo Meter ah Bisha August 2020 ka:

siciid-300x168.jpg

Waxaan ka halacsday Clip yar oo Yasiin Jaamac Cali oo ka tirsan TVgu uu uga soo diray Bulsho TV Berbera kaasi oo ku saabsanaa  Ururka Sodra oo shahaado sharaf sare gudoonsiinaya Maareeyaha dekadda wayn ee Berbera, taasi oo aan la garanayn waxa uu ku mutaysatay. Inkastoo ay sheegeen inuu shaqo wanaagsan qaranka Somaliland u qabtay hadana maan fahmin shaqadaa wanaagsan, wax sharaxaad ah oo

Dheeraadana kamay bixin laakiin mudooyinkan danbe waxay ka noqotay wax ka caadiya Somaliland inaad aragto shahaado sharaf duulaysa oo meel ay ka socoto iyo si ay u socoto toona aanay cadayn oo aad la yaabayso ka bixinaya iyo ka la siinayo.

 

Eng;Siciid Hassan Abdulahi oo ah Maareeyaha Dekadda ayaa hadal aad moodo inuu mirqaan hadlayo oo uu kolba dhinac u tuurayo ku fatahiyay Mikirifoonkii, kaasi oo aad mar mar moodayso inuu yahay Af-hayeen u hadlaya Waaxda Socdaalka ee Somaliland oo ka sheekaynaya in shaqaale lagu soo tababari doono dalka Imaaraadka, oo bilahan soo socda u bixi doona tababarkaa oo ay ku tagi doonaan Passaport Somaliland oo ay waliba soo saari doonto safaaradda ay Somaliland ku leedahay Imaaraadka. Taasi oo uu ka sii taba tuuray in haddii wadamo kale ay u socdaalayaan dadka reer Somaliland inay qaadan doonaan Passport Ethiopian ama kuwa kale ee aynu jaarka nahay passport-kooda.

 

Waxa kale uu aad ula dhacsanaa wax qabad balaadhan oo dhan walba ah oo uu sheegay inay Imaaraadku inala garab taagan yihiin had iyo jeer hase ahaatee aanu wax faallo ah ku darin. Haddiiba  ay wax qabad dhan walba ah inala garab taagan yihiin Imaaraadku maxaa ay ugu fasaxi waayeen muwaadiniinta kale ee reer Somaliland ee doonaya inay u socdaalaan Imaaraadka kuwaasi oo haysta passortka Somaliland ? iyadoo ay waliba Sacad Cali Shire iyo intii hor boodaysay ay heshiis ku sheegii lagu balaadhinayay Dekadda Berbera hore  ugu tibaaxeen in  passport-ka Somaliland lagu tagi dooni Imaaraadka. Laakiin waxa cadaatay in ah taasina ahayd Dhagax karintii hadba ka kursiga fadhiyaa uu u Karin jiray Shacabka reer Somaliland.

 

Waxa kale oo uu Eng Siciid ku dheeraaday inaan Somaliland la aqoonsanayn, malaha waxaanuu ogayn in aanay taasi shaqadiisa ahayn. ee ay Wasaarad u xilsaarini jirto iyadoo Wasaaradda lafteedu wax fikrad ah ka haysan halka uu Sal iyo Raad dhigay Raadintii aqoonsiga Somaliland kaasi oo kolba meel lagu taro ilaa 27 sanno ee u danbeeyay.

 

 

Dhulalka uu hadalka Maareeyuhu maray waa uu badnaa, haddana waxa uu duray Xildhibaan Siciid Cartan oo ay beel ka soo wada jeedaan ahna xildhibaan laga soo doortay Berbera oo hal usbuuc ka hor sheegay hadal ah inaanay wax ka soo naaso cadayn dekad 400 oo meter ah oo DP World ka dhisto Berbera. Xildhibaanku waxa uu sheegay in ayna arintaa waxba ka jirin laguna kala bixi doono bishan February oo la hubsan doono inay heshiis ku sheegaasu run noqdo iyo inuu noqdo been.

La hubsayoo Gorayo Haad bay noqotay. isagoo Maareeyuhu ka xanaaqsan hadalka uu Xildhibaan Cartan hore u sheegay oo ahaa in lagu hungoobay qalab la yidhi waxa soo wada Markab oo lagu dhisi doono dekadda cusub ee 400 Meter ah taasi oo uu maareeye Eng; Siciid hore u sheegay oo hadda ku soo gabagaboowday dhawr cagaf oo duugga iyo qalab aan sidaa u sii badnayn oo aan la rumaysan Karin in dekad cusub lagu dhisi doono.

 

Waxa aan la yaabay waxa uu maareeyuhu u difaacayo beenta DP World.  waxase run ah in maareeye Siciidkan xiiqsani aanu wali fahmin sida geo-politicka Geeska Afrika isu badalay, isbadalkaasi oo uu horsed ka yahay Abiya Ahmed.

Waxa uu maareyuhu aad uga gubtahay hadaladdii Xildhibaan Siciid Cartan inkastoo aanu afka ka sheegin magaca xildhibaanka Haddana waad fahmi karaysay inuu isaga u jeedo haddii aad hadalka Xidhibaanka hore u dhagaysatay. Isagoo oo waliba si qayru masuulnimo ah u hadlayay, si aan  looga baahnayn qof masuul qaran ah oo sidiisoo kale ahi inuu u hadlo. Kuye August 2020-ga ayaa faraha laga qadidoonaa dekadii casriga ahayd ee Berbera, iyadoo aanay Shacabka reer Somaliland hore u maqal wax dekad ah oo la bilaabay ugu na war danbaysay maareeyaha oo yidhi qalabkii lagu dhisayay ayaa nagu soo fool leh. Haddana waxaaba la bilaabay bishii November ee sanadkii tagay.

 

 

Mareeye marka aan runta kuu sheegno haddii aanu nahay shacabkii Somaliland waxaanu rumaysanay hadalkii Xildhibaan Cartan, hadalkaaguna wax badan kama Duwana kii Sacad Cali Shire uu labo cisho oo isku xigta ku kala waramay wadhi iyo wax loo fadhiyin ee haddii taasi dhab tahay ku martiqaad warbaahinta Somaliland oo soo tus Dekadda la bilaabay bishii November ee sanadkii tagay ee DP World Somaliland u dhisayso. Markaa aanu ku rumaysanee hadii kale arinku wuxuu kusoo koobmayaa maareeyaha dekadda Berbera oo ku qarwaya kuna riyoonaya DP World oo wac ka siinaysa deked 400 Meter ah Bisha August 2020-ka.

 

 

Qore: Cabdi Muxumed

 

 

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this