Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Awqaafta XFS oo shir uga qeyb galay Ciraaq

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Awqaafta Iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya,  Sheekh  Nuur Maxamed Ayaa Kaqeyb Galay Shirka Sanadlaha ah ee Awqaafta  kaas Oo ku saabsanaa “Icjaasul Qur’an” oo Lagu Qabtay dalka Ciraaq.

Kulankaan ayaa waxaa isugu yimid qaar kamid ah Madax ka socotay Wadamada Islaamka Iyo Culumaa’udiinka   Dunida Islaaamka.

Shirkaan oo si heer Caalami ah loo soo agaasimay ayna ka soo qeyb galeen Masuuliyiin kala duwan oo dalalka Islaamka u qaabilsan Arrimaha Awqaaafta iyo Diinta, waxaana ugu dambeyn soo xiray Sheikh Calaamatu Dr Cabdiladiif  Al-Hamiim.

Shirkaan ayaa ka dhacay magaalada Baqdaad ee Caasimadda dalka Ciraaq, iyadoona Wafdiga dowladda Somalia ee uu hoggaaminayo wasiirka awqaafta iyo arrimaha Diinta ay kulamo gaar gaar ah la yeesheen Madaxda iyo Culumada kale ee ka socday dalalka Islaamka.

52486680_289001571780232_518569377746911 52712945_837990453211623_261732339625335
52331917_517173062139407_634310881859495

The post Wasiirka Awqaafta XFS oo shir uga qeyb galay Ciraaq appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this