Deeq A. Posted February 19, 2019 Muqdisho (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Awqaafta Iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya, Sheekh Nuur Maxamed Ayaa Kaqeyb Galay Shirka Sanadlaha ah ee Awqaafta kaas Oo ku saabsanaa “Icjaasul Qur’an” oo Lagu Qabtay dalka Ciraaq. Kulankaan ayaa waxaa isugu yimid qaar kamid ah Madax ka socotay Wadamada Islaamka Iyo Culumaa’udiinka Dunida Islaaamka. Shirkaan oo si heer Caalami ah loo soo agaasimay ayna ka soo qeyb galeen Masuuliyiin kala duwan oo dalalka Islaamka u qaabilsan Arrimaha Awqaaafta iyo Diinta, waxaana ugu dambeyn soo xiray Sheikh Calaamatu Dr Cabdiladiif Al-Hamiim. Shirkaan ayaa ka dhacay magaalada Baqdaad ee Caasimadda dalka Ciraaq, iyadoona Wafdiga dowladda Somalia ee uu hoggaaminayo wasiirka awqaafta iyo arrimaha Diinta ay kulamo gaar gaar ah la yeesheen Madaxda iyo Culumada kale ee ka socday dalalka Islaamka. The post Wasiirka Awqaafta XFS oo shir uga qeyb galay Ciraaq appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites