Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaar kamid wasiirada cusub ee Puntland oo maanta xilka la wareegay

Recommended Posts

Deeq A.   

Saddex ka tirsan golaha wasiirada cusub ee dowladda Puntland ayaa Talaadada maanta ah xilka la wareegay.

Wasiirada xilka la wareegay ayaa kala ah; wasiirka Amniga, Cabdisamad Maxamed Gallan, wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha, Jaamac Faarax Muuse iyo Wasiirka Ganacsiga, Cabdullaahi Cabdi Xirsi.

Munaasabado kala duwan, oo lagu qabtay xarumaha wasaaradahaasi, oo ay xilka kula wareegeen wasiirada cusub, ayaa waxaa goob joog ahaa guddiga arrimaha xil-wareejinta ee uu dhowaan magacaabay madaxweynaha Puntland.

Sidoo kale, maalmaha soo socda ayaa la filayaa, in xubnaha harsan ee wasiirada cusub ay xilka si rasmi ah ula wareega.

PUNTLAND POST

The post Qaar kamid wasiirada cusub ee Puntland oo maanta xilka la wareegay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this