Sign in to follow this  
Deeq A.

Sheekh Kenyaawi oo berri ku soo wajahan Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Sheekh Maxamed Sheekh Ibraahim Kenyaawi oo kamid ah culimada Soomaaliyeed ee bulshada ku waaniya is-cafinta iyo walaalnimada ayaa Arbacada berri ah ee ku beegan 20 bishan Febraayo 2019 ku soo wajahan magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Sheekha oo ku caan ah barnaamij la baxay “Cafi walaalkaa” oo bulshada lagu wacyi-geliyo ayaa waayadan dambe ku sugnaa magaalada Muqdisho halkaas oo uu ka waday barnaamijkaasi, dad badani ka faa’iidaysteen.

Mr Kenyaawi ayaa Puntland u imanaya wacyi-gelin ku saabsan barnaamijkiisa cafiska ee uu hore uga sameeyay magaalada Muqdisho waxaana u qorshaysan in uu maalinta jimcaha ee 22 bishan Febraayo 2019 garoonka ciyaaraha Mire Awaare ee magaalada Garoowe kula hadlo shacab weynaha caasimadda Puntland islamarkaana ku waaniyo in ay is-cafiyaan.

PUNTLAND POST

The post Sheekh Kenyaawi oo berri ku soo wajahan Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this