Sign in to follow this  
Deeq A.

Shabaab oo xabs dhigtay shacab gaaraya 100 oo diiday go’aan ay ku dalbtay in ay…

Recommended Posts

Deeq A.   

Ceelbuur (Caasimada Online) – Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa la sheegay in amar ay dul dhigeen shacabka ku dhaqan deegaano ka tirsan degmada Ceel buur ee gobolka Galgaduud.

Dadka shacabka  ee ku nool Bari ee gobalka Galgaduud ayaa waxaa ay walaac xoogan ka muujiyeen amarka ka soo baxay Al-Shabaab, kaasi oo ah in ay bixiyaan lacag ama xoolo, taasi keentay in dadka ay diidaan.

Deegaanada arintan ay ka jirto ayaa waxaa ka mid ah Xiindheere iyo Ceel Garaas oo dhamaantooda hoostaga degmada ceel buur ee Gobalka Galgaduud.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in dadka diiday in ay bixiyaan lacago iyo xoolo ay weydiisteen Al-Shabaab la xiray.

Dadka la xiray ayaa tiradooda waxaa ay gaaraysaa ku dhawaad boqol qof.

Al-Shabaab ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa ay kordhiyeen dhibaatooyinka ay u geystaan dadka Shacabka ah ee ku nool Bari Gobolka Galgaduud.

Caasimada Online
Xafiska Jowhar
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this