Sign in to follow this  
Deeq A.

 Ganacsatada Qaadka oo ku dhawaaqay in ay joojiyeen qaadkii ay ka keeni jireen Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

khatt.jpg?resize=690%2C455

Ganacsatada Soomaaliyeed ee qaadka ka ganacsada ayaa maanta  magaalada Muqdisho waxa ay kaga dhawaaqeen in ay joojiyeen qaadkii ay ka keeni jireen dalka Kenya, sababo la xidhiidha khilaafka siyaasadeed ee soo kala dhex galay Soomaaliya iyo Kenya.

Guddiga ganacsatada qaadka ayaa sheegay in qaadkii ay ka keeni jireen  dalka Kenya ay iminka u wareejiyeen dalka Itoobiya, haatan wixii ka dambeeyana ganacsiga qaadka uu halkaas u wareegay.

Go’aanka ganacsatada ayaa aad looga war dhowrayay maalmihii la soo dhaafay.

Guddoomiyaha ganacsatada Soomaaliyeed ee qaadka Qooje Maxamuud ayaa shaaciyay in iyaga oo la safan dowladooda ay joojiyeen qaadka ,islamarkaana ay taageersan yihiin difaacidda dhulka iyo badda Soomaaliya.

Arrintaan ayaa ku soo beegmeysa xilli dowladda Kenya dhawaan ay xiriirka u jartay dowladda Soomaaliya, lana baxday safiirkeedii joogay magalada Muqdisho halka kii Soomaaliya u joogay dalkaasina dib u soo celisay.

Waxaa isa soo taraya muranka xuduud badeedka ee u dhaxeeya labada dal kaas oo sii xoogeystay markii Soomaaliya shirkadihii shidaal-sahminta ka sameeyay Soomaaliya ay shir kula yeelatay London si ay ugu soo bandhigaan baaritaanadii ay sameeyeen iyo meelaha uu ku jiro shidaalka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this