Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Biixi Safar Ku Tagaya Addis Ababa Iyo Marti-Qaad Uu Ka Helay Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa maalinta berri ah u safraya magaalada Addis-ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

52436890_2180798242170630_38100666436278

Madaxweyne Biixi ayaa marti-qaad rasmi ah ka helay raysal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed, sida ay ii xaqiiyeen ilo xog-ogaal ahi.

Waa markii ugu horreysay ee madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu safar ugu baxo dalka Itoobiya tan iyo markii uu xilka qabtay Abiy Axmed.

Safarka Madaxweynaha ayaa waxa ay warar ay helayso Somalilandtoday sheegay inay ku weheliyaan Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo dalxiiska Maxamuud Xasan Sacad Saajin iyo taliyaha ciidammada qaran Nuux Ismaaciil Taani.

Somalilandtoday/Hargeysa/Office

Xamse Maxamed Iiman

Hamzeiiman123@gmail.com

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this