Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Qarax la sheegay inuu ahaa Miino nooca dhulka lagu aaso ayaa lala eegtay gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, kaasi oo marayey wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho.

Waxaa jira khasaare dhaawac ah oo qaraxan ka dhashay, iyadoo goobta ay gaareen ciidamada ammaanka oo howlgallo wada.

Ma jirto faah faahin kale oo qaraxan laga bixiyey, hase ahaatee wadadan ayaa maalmahan dambe waxaa kusoo noq-noqday qaraxyada sidan oo kale ah.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this