Sign in to follow this  
Deeq A.

Safar ay Soomaaliya ku imaan laheyd wasiirka arrimaha dibadda Kenya Oo la baajiyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (SMN) – Guddiga arrimaha dibadda baarlamaanka Kenya ayaa baajiyay safar wasiirada arrimaha dibadda ee dalkaasi ay ku imaan laheyd Soomaaliya, xilli ay tagaagan tahay xiisad u dhaxeysa labada dal.

Guddoomiyaha difaaca iyo xiriirka arrimaha dibadda baarlamaanka Kenya Katoo Metito ayaa sheegay in wasiirka arrimaha dibada dalkaasi Monica Jaamac ay wax ka weyndiinayaan sababta keentay in loo yeero safiirkii Kenya, sidoo kalena la ceyriyo kan Soomaaliya.

“Waxaan u baahanahay in aan ogaano xaqiiqda rasmiga ah ee arrintaasi ka dambeysa ayuu yiri”. Mr Metito.

Xiisada diblomaasiyadeed ee labadal ayaa cirka isku shareertay, tan iyo markii wasaaradda arrimaha dibadda dalka Kenya ay Soomaaliya ku eedeysay in ay xaraashtay shidaal ku jira dhulkeeda.

The post Safar ay Soomaaliya ku imaan laheyd wasiirka arrimaha dibadda Kenya Oo la baajiyay appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this