Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo iyo Dhiggiisa Burundi oo ka wada hadlay arrimaha amniga

Recommended Posts

Deeq A.   

Bujunbura ( SMN) – Madaxweynayaha dalka Burundi Pierre Nkurunziza ayaa magaalada Bujunbura ee xarunta dalkaasi kulan kula yeeshay dhiggiisa Soomaaliya maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo.

Labada madaxweyne ayaa ka wada hadlay arimo dhowr ah oo ay ka mid tahay dhinaca amniga iyadoo lagu wado in dhawaan Burundi ay Soomaaliya kala baxdo kun askari oo ka mid ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Sidoo kale labada mas,uul ayaa isla soo hadal qaaday xoojinta xiriirka labada dal iyo weliba abuurista iskaashi ganacsi.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay gaaray magaalada Bujunbura ee caasimadda dalka Burundi.

Howlgalka nabad ilaalinta midowga afrika ayaa hore u sheegay in dhamaadka bishan ay Soomaaliya ka bixi doonaan 1,000 askari oo ka tirsan ciidamada Burundi.

Ka bixitaanka ciidamadaasi ayaa waxaa saameyn ay ku yeelan doontaa maamulka Hirshabelle oo inta badan ay ka howlgalaan.

The post Madaxweyne Farmaajo iyo Dhiggiisa Burundi oo ka wada hadlay arrimaha amniga appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this