Sign in to follow this  
Deeq A.

Ganacsatada Soomaaliyeed Oo joojiyay qaadka Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN)  – Qooje Maxamuud guddoomiyaha guddiga ganacsatada Soomaaliyeed ee qaadka ka keena Kenya ayaa maanta ku dhawaaqay in ay gabi ahaan ay joojiyeen jaadkii dalkaasi.

Guddoomiyaha oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in tallaabadan ay salka ku heyso khilaafka diblomaasiyadeed labada dal.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in ganasigooda ay u wareejiyeen dalka Itoobiya, kana soo dhoofsan doonaan qaadka.

Arrintan ayaa timid, kadib markii shalay ganacsatada Kenya ay ku hanjabeen in ay joojin doonaan qaadka laga keeno dalkaasi, sababo la xariira khilaafka labada dowladood.

The post Ganacsatada Soomaaliyeed Oo joojiyay qaadka Kenya appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this