Deeq A. Posted February 19, 2019 Muqdisho (SMN) – Iyadoo ay cirka isku sii shareerayaan muranada siyaasadeed ee u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa qaar ka mid ah shacabka Soomaaliyeed waxa ay muujinayaan, sida ay dowladdooda ugu garab taagan yihiin difaaca dallka. Asli Cabdi Xasan oo ka mid ah haweenka Soomaaliyeed, bariisamaadkiina qeyb ka aheyd xubnihii la shaqeeyay dowladdii kacaanka ayaa dowladda Kenya ku eedeysay in ay wado damac waali ah, maadaama ay u hanqal taageyso dhul iyo bad aysan laheyn. Hooy Asli ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsatay in ay Qarankooda ku taageeraan ilaalinta dalka ee bad iyo barriba. Tan iyo markii uu soo if baxay khilaafka ka dhex jira labada dowladood shacabka Soomaliyeed ayaa siyaabo kala duwan uga hadlayay arrintan, waxa ayna muujiyeen dareen wadaniyad leh oo ay kagag dhiidhinayaan in la damaaciyo dhulkooda. The post Hooyo Soomaaliyeed oo ku baaqday in la taageero Qaranka appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites