Deeq A. Posted February 19, 2019 Muqdisho (SMN) – Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee UNSOM ayaa ku dhaawaaqay lacag loogu talagalay Mashaariic hormarineed oo lagu kaalmeynayo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Lacagtani oo gaaraysa 14 Milyan oo dollarka Mareykanka ah ayaa la sheegay in lagu xoojin doono nabadeynta, barakayaasha,dib u heshiisiinta iyo hanaanka dhisidda dowlad goboleedyada dalka. Kulan ay si wada jir ah u shir guddoomiyeen wasiirka arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye iyo wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee soomaliya Peter De Clerq ayaa lagu soo bandhigay hanaan la’isku raacsan yahay oo lagu filin doono mashaariicdaasi. Sanduuqa nabadeynta Soomaaliya ayaa tan iyo sanadkii 2009-kii Soomaaliya ku caawiyay lacag garaysa 45 Milyan oo dollarka Mareykanka, taas oo qeyb ka ah qorshaha QM ay ku taageereyso Soomaaliya. The post QM Oo 14 Miyan ugu deeqday dowladda Soomaaliya appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites