Deeq A. Posted February 19, 2019 Muqdisho (Caasimadda Online) – Qaraxaan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay Wadada Warshadaha ee Magalada muqdisho. Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in Gaari nooca dagaalka ah oo ay wateen Ciidamada Dowladda Soomaaliya qaraxa miino lagula eegtay inta u dhaxeysa Jaamacadda Simad iyo Warshada Biyaha Caafi ee Wadada Warshadaha. Khasaaro dhaawac ah ayaa lagu soo waramayaa in uu qaraxaasi geystay,waxana haatan hakad ku jira isku-socodka dadka iyo Gaadiidka ee goobta uu qaraxa ka dhacay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo xiliga uu qaraxa dhacayay ku sugnaa meel ku dhow Nawaaxigaas ayaa tegay,iyagoona halkaasi xiray. Wixii warar ah ee kusoo kordha kala soco Caasimadda Online Caasimada Online Xafiska Muqdisho Caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites