Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo ku heshiiyey in xiisadda siyaasadeed si hoose loo xaliyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimadda Online) – Warbaahinta gudaha dalka Kenya ayaa saaka qoreysa in dalalka Soomaaliya iyo Kenya ay ku heshiiyeen in xaalada la dejiyo, khilaafka taaganna si hoose lagu dhameeyo, si looga arinsado wixii dhacay todobaadkan.

Wararku waxa ay sidoo kale sheegayaan in Wasiirka arrimaha dibadda Kenya Munica Juma ay qorsheyneyso iney soo gaarta magaalada Muqdisho, si ay xaalada ugala hadasho madaxda ugu sareysa ee dowladda Soomalaiya.

Munica Juma oo ka soo laabatay shirkii Amaanka ee ka dhacay Dalka Germany, ayaa qorsheheda ahaa iney maanta soo gaarto Caasimada dalka, balse waxaa arintaas ka hor istaagay baarlamaanka dalka Kenya.

Kulanka Baarlamaanka Kenya  ayaa waxaa su’aalo lagu weydiin doonaa wasiirka arimaha dibada Kenya, kaasi oo ku aadan  khilaafka Siyaasadeed ee xilligaan soo kala dhex galay Soomaaliya iyo Kenya.

Guddoomiyaha guddiga difaaca iyo arrimaha dibadda baarlamanka Kenya Katoo Metito oo la hadlay warbaahinta gudaha ee dalka Kenya ayaa sheegay in sababta ay u yeereen Wasiirka Arrimaha dibada Kenya ay tahay waxa ay kala socota muranka deplomaasiyadeed ee u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in wax laga weydiin doono Khilaafka  sii xumaanaya ee dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Baarlamaanka dalka Kenya ayaa maanta la filayay in ay ka doodaan Miisaaniyada sanadkan ee dowlada Kenya, inkastoo arintaasi dib loo dhigay.

Khilaafkan deplomaasiyadeed ayaa mar kale cirka isku shareeray, iyadoona arintan in badan ay ka hadleen siyaasiyiinta falanqeeya arimaha deplomaasiyadeed..

Caasimada Online
Xafiska Nairobi
Caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this