Sign in to follow this  
Deeq A.

Xafiiskii Xisbiga Uu Hoggaaminayo Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Ee Magaalada Garowe Oo Albaabada La Isugu Dhuftay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Garoowe)-Maamulka gobolleedka Puntland ayaa Albaabada iskugu dhuftay xarun uu Xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir ka furtay magaalada Garowe ee Caasimada maamulka Puntland.

wadajir..jpeg


Guddoomiyaha gobolka Nugaal ee maamulka Puntland Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gu’jir) ayaa la sheegay inuu yahay qofka bixiyay amarka lagu xidhay xarunta Xisbigan oo la furay 31-dii bishii hore ee January sanadkan 2019, maalmo kaddib Caleema saarkii Madaxweyne Siciid Deni.

Xubno ku dhow ninka bixiyay amarka lagu xidhay xarunta Xisbigan ayaa soo sheegaya in sababta ay la xidhiidho in Puntland ay saameyn ku yeelato khilaafka u dhexeeya Xisbigaasi iyo Xukuumadda Soomaaliya.

“Xukuumadda Puntland waxey amar ku bixisay in guud ahaan xisbiyada ka dhisan Soomaaliya, aysan wax xarumo ah ka furan karin deegaannada Puntland, si loollanka u dhexeeya Villa Somalia iyo xisbiyada mucaaradka u saameyn xiriirka Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya” ayuu yidhi qof la hadlay Warbaahinta gudaha ee Puntland oo ku dhow Guddoomiye Gu’jir.

Hoggaaminaya Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan CabdiShakuur Warsame ayaa xadhiga ka jiray Xafiiska cusub ee Garowe, taasoo aheyd markii u horeysay oo Xisbiga meel ka baxsan Muqdisho xafiis ka furto

Ma jirto wax war ah oo arintan ay ka soo saareen Xisbiga Wadajir iyo maamulka Puntland, iyadoo Shacabka Garowe ay hadal hayaan arintan, waxaana xafiiska la xidhay uu ahaa xarunta keliyah ee xisbiga Wadajir ka furtay guud ahaan degaannada maamul Puntland.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this