Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirkii Hore Ee Arrimaha Dibadda Kenya Oo Soo Bandhigay Xoggo Cusub Oo La Xidhiidha Muran Cakiran Muqdisho Iyo Nairobi

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Nairobi)-Mosees Wetangula oo ah Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda ee dalka Kenya, ayaa sheegay inay Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya kala saxeexdeen Heshiiskaasi xilligii Dowladdii Madaxweyne Mawaay Kibaaki, waa sida uu hadalka u dhigay.

MOSES-WETANGULA.jpg

Mosees Wetangula oo hadalkaasi ka jeediyey Xarunta Dhexe ee Xisbiga FORD ee magaalada Nairobi muu sheegin Sannadka saxda ee Heshiiskaasi qalinka lagu duugay, inkastoo uu isagu Wasiirka Arrimaha Dibedda ka ahaa Kenya muddadii u dhexeysay sannadihii 2008-dii ilaa 2010-kii iyo mar labaad oo loo doortay xilkaasi sannadihii 2011-kii illaa 2012-kii.

“Ka Wasiir ahaan, waxaan Wada-xaajood la galay Dowladdii Soomaaliya ee xilligaasi, waxaana wada saxeexanay heshiiska lagu calaameeyey xuduud-baddeedka” ayuu yidhi Mosees Wetangula.

Waxa uu intaasi ku daray inay Nuqulka Heshiiskaasi iyo Khariidda Badda ee la isla gartay u gudbiyeen Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay, waa sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda ee dalka Kenya, Mosees Wetangula waxa uu Dowladda Kenya u sheegay inay Kenya leedahay xuduud-baddeedka ay Soomaaliya qabsatay, wuxuuna intaasi ku daray in Kenya looga baahan yahay inay la xidhiidho Saaxiibadeeda si ay ugu muujiyaan Dhaqdhaqaaqa Joogitaanka, waa sida uu hadalka u dhigay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this