Deeq A. Posted February 19, 2019 Bujumbuura (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho shaqo ku jooga dalka Burundi ayaa waxaa xalay casho soo dhaweyn ah oo lagu maamuusayo isaga iyo wafdigiisa u sameeyay dhiggiisa dalkan Mudane Pierre Nkurunziza. Wafdiga qaybta ka ah booqashada Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya ayaa kulamo lagu lafo-gurayo adkaynta wada shaqaynta ka dhexaysa labada dal iyo danaha ay wadaagaan waxa ay la qaadanayaan dhiggooda dalka Burundi. Burundi waxay ka mid tahay waddamada dadaalka ku bixiya xasilinta Soomaaliya, waxaana ciidankoodu qayb ka yahay Ciidamada Nabad Ilaalinta ee AMISOM. Booqashadan ayaa qeyb ka ah socdaalada lagu xoojinayo xiriirka dalalka Afrika, si la isaga kaashado dhibaatooyinka iyo caqabadaha jira,la isuna weydaarsado khibradda muhiimka u ah horumarka iyo dowlad-dhiska. The post Madaxweynaha JFS oo casho sharaf loogu sameeyay Burundi appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites