Sign in to follow this  
Deeq A.

Ganacsatada Soomaaliyeed oo Joojiyay Qaadkii ka imaan jiray Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Xili uu jiro khilaaf xooga u dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa arintaas ka hadlay Ganacsatada Soomaalida ee qaadka ka keensan jirtay dalka Kenya.

Ganacsatadda ayaa sheegtay in ay joojiyeen Qaadkii kaga imaan jirey dalka Kenya, sababo la xiriira difaaca dowladooda.

Gudoomiyaha Guddiga qaadleyda Soomaliyed Qooje Maxamuud Qayliye oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa sheegay in go’aankaas ay qaateenn. Waxa uu sheegay in suuqii ganacsiga ee Qaadka maanta wixii ka dambeeya ay u wareejiyeen dalka Itoobiya.

Ganacsatada qaadka ee dalka Kenya ayaa ku hanjabay dhowaan in ay joojin doonaan qaadka Soomaaliya ay keeni jireen.

PUNTLAND POST

The post Ganacsatada Soomaaliyeed oo Joojiyay Qaadkii ka imaan jiray Kenya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this