Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirkada Spectrum ee xaraashaysa Shidaalka Somalia oo Warbixin Rasmiya ka soo saartay Khilaafka dhuleed ee ka dhex oogan Somalia & kenya & Xoggo ku saabsan Dhul-badeedka Somalia & Kenya ku muransan yihiin

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirkada Spectrum ee xaraashaysa Shidaalka Somalia oo Warbixin ka soo saartay Khilaafka dhuleed ee ka dhex oogan Somalia & kenya & Xoggo ku saabsan Dhul-badeedka Somalia & Kenya ku muransan yihiin

 spectrum-1-300x88.jpg

Shirkadda Spectrum oo sameysay sahminta shidaalka xeebaha Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay waxay faah-faahin uga bixisay shirkii 7-dii Febraayo ka dhacay London iyo dhulka sahminta lagu sameeyey.

Qoraalka oo loo diray wasaaradda batroolka Soomaaliya, islamarkaana ay Warbaahintu heshay  waxay Spectrum ku sheegtay in shirkii London uu ahaa kaliya mid sare loogu qaaday islamarkaana lagu xayeysiinayey shidaalka la tuhmayo inuu ku jiro Soomaaliya.

Spectrum waxa ay sheegtay in intii uu socday shirka London aan marnaba la xaraashin xidhmooyinka la sahmiyey ee shidaalka Soomaaliya.

Spectrum ayaa dhinaca kale sheegtay in dhul-badeedka sahaminta shidaal lagu sameeyey xogtiisana lagu soo bandhigay London uu yahay dhul ay si buuxda u leedahay Soomaaliya, islamarkaana aanu ku jirin dhul-badeedka lagu muransan yahay ee kiiskiisa uu yaallo maxkamadda caddaaladda ee ICJ ee magaalada Hague.

Qoraalka shirkadda Spectrum, oo uu ku saxiixnaa madaxweyne ku xigeenka fulinta ee shirkaddaas ee gobollada Africa, Meditareeniyaanka iyo Bariga Dhexe Graham Mayhew ayaa waxaa la socday Khariirad muujineysa dhulka xogtiisa lasoo bandhigay, waxaana aanka muquan dhul-badeedka Kenya ay ku haysato Soomaaliya ee maxkamadda ICJ ay go’aanka ka gaadhi doonto. 

Qoraalka oo Rasmiya ah Halkan hoose ka akhri:-

spectrum.jpg

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this