Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka Iyo Yurub Oo Isku Khilaafsan Maxaabiista Daacishta Suuriya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Xoogaga kurdida ee loo yaqaan SDF oo taageerada ka helaya Maraykanka ayaa sheegay inay hada gacanta ku hayaan ugu yaraan 800 ka tirsan dagaalyahanadii kooxda Daacish oo ay wehliyaan qoysaskooda oo gaaraya 1200 haween iyo caruur ah.

Maxabista-Daacish-siiriya1-740x417.jpg

Xili dagaalka lagula jiro Daacishta Siiriya uu gebo gebo marayo ayaa waxa ay dooda ka dhalatay cida la wareegi doonta maxaabiista laga qabtay kooxdaasi oo ay ku jiraan dhalinyaro horey uga yimid qaar kamid ah dalalka Midowga Yurub.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sabtidii bartiisa twitter ku qoray in laga doonayo dalalka reer Yurub inay la wareegaan muwaadiniintooda usoo dagaalamay Daacish isla markaana ay soo taagaan maxkamad.
Maraykanka ayaa doonaya in todobaadyada soo socda uu ciidamadiisa kala baxo dalka Siiriya, arrintaasi oo culeys weyn ku keeni doonta ciidamadii ay horey u taageeri jireen ee kurdida Siiriya SDF.

Saraakiisha SDF oo codsaday in ciidamada Maraykanka ay sii joogaan dalka Siiriya ayaa sheegay inaysan sii heyn karin maxaabiistan badan oo ay ku jiraan dagaalyahano si weyn looga cabsi qabo inay ka baxsadaan xabsiyada hada lagu hayo oo dib u bilaabaan dagaalo horleh.

Balse dowladaha Yurub qaarkood ayaa sheegay inaysan diyaar u ahayn inay la wareegaan maxaabiistaasi oo ay u arkaan kuwo amnigooda khatar ku noqon kara hadii ay dib ugu soo noqdaan dalalkii ay markii hore ka yimaadeen, maxkamadeynta raggan ayaa sidoo kale ah mid wakhti dheer qaadan kara.

Trump ayaa ku goodiyey inay siideyn doonaan maxaabiistan hadii aysan dalalka Yurub la wareegin, arrintaasi oo ay Midowga Yurub u arkeen hanjabaad.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this