Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaano Iskaga Baxay Xisbigga Mucaaridka Ee Waddanka Ingiriiska

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-London)-Xildhibaano gaadhaya 7 ayaa ku dhawaaqay inay isaga baxeen xisbiga Shaqaalaha ee dalka UK (Labour Party) iyagoo ku eedeeyey hogaamiyaha xisbigaasi Jeremy Corbyn inuu naceyb weyn u muujiyey dadka Yahuuda ah, waa sida ay hadalka u dhigeenee.

xildhibaano-uk-gadood-labour-740x416.jpg

Hogaamiyaha xisbiga Labour party oo ay si weyn u taageeraan dhaq dhaqaaqa garabka bidix ee dalkaasi ayaa sidoo kale ka tirsan siyaasiyiinta u dooda xaquuqda reer Falastiin, arrintaasi oo ay kasoo horjeedaan qaar kamid ah xildhibaanada xiriirka laleh Israel ee kamid ahaa xisbigiisa.

Kooxdan ayaa sidoo kale kamid ah kuwii looga guuleystay loolankii horey uga dhex socday xisbiga Labour party.

Xildhibaanadan ayaa sheegay inay sameysteen kudlad u gaar ah oo ay kasii mid ahaan doonaan Baarlamaanka iyagoo madax banaan, balse qaar kamid ah hogaamiyayaasha xisbiga Labourka ayaa ugu baaqay in ay xilka iska casilaan oo kuraastooda markale u tartamaan iyagoo madax banaan maadaama ay hada xilalka ay hayaan ku heleen magaca xisbiga Labour Party.

Xisbiga Mucaaridka ah ee Labour Party ayaa doorashadii dhacday 2017 helay kuraas dheeraad ah oo gaareysa 262 kursi oo kamid ah kuraasta Baarlamaanka oo gaaraya 650.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this