Sign in to follow this  
Deeq A.

Shacabka Boosaaso oo lagu soo rogay awaamiir culus

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (SMN) – Guddoomiyaha degmada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan oo Warbaahinta la hadlay ayaa shacabka degmadaasi uga digay isticmaalka bacaha laguy adeegto iyo kuwa madow ee lagu dhajiyo Baabuurta.

Guddoomiyaha ayaa amray in shacabku ay u hoggaansamaan awaamiirtaasi oo lagu xoojinayo sugida amniga.

Dhanka kale Ciidamo aad u hubaysan ayaa xalay goor saq dhexe ah lagu arkayay iyagoo roonda ka sameynaya xaafadaha kala duwan ee magaaladaasi.

Boosaaso ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka dhacayay falal ammaan dari oo u badan dilal qorsheysan, kuwaas oo qaarkood ay sheegteen Al Shabaab.H

The post Shacabka Boosaaso oo lagu soo rogay awaamiir culus appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this