Deeq A. Posted February 19, 2019 Muqdisho (SMN) – Waxgarad iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed oo u warramay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay hadlay khilaafka diblomaasiyasadeed ee soo kala dhex galay dalalka Soomaaliya iyo Kenya. Ugu horreyn Imaam Cumar Macalin Abshir oo ka mid ah dhaqanka Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyay, sida geesinimada leh oo ay dowladda Soomaaliya ugu jawaabtay hadalkii Kenya. Siudoo kale Imaamka ayaa ugu baaqay shacabka iyo siyaasiyiinta in ay DFS uga dambeeyaan go’aankaasi. Dhankiisa Cabdi Ra’uuf Layli Dubad oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa sheegay in laga dhowr sugayo dowladdu in ay qaato tallaabo waa weyn oo lagu difaacayo Soomaaliya, dibna loogu soo celinayo sharaftii ay laheyd. Khilaafka labada dowladood ayaa yimid, kadib markii Kenya ay cabasho ka keentay shirkii shidaalka ee dhawaan lagu qabtay dalka Ingiriiska. The post DFS Oo lagu amaanay go’aankii ay qaadatay appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites