Sign in to follow this  
Deeq A.

Midowga Africa oo ku baaqay in la diyaariyo ciidan amniga kala wareega AMISOM

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay si xoogan ugu diyaariso ciidankeeda hanashada ammaanka dalka, marka la gaaro qorshaha kala guurka AMISOM iyo Soomaaliya.

Guddig nabadda iyo amniga Midowga Africa ayaa kulamo ay yeesheen uga dooday, sida ay dowladda Soomaaliya ugu diyaar garoobeyso qorshaha kala guurka ee AMISOM dalkeeda uga bexeyso sanadaha 2020-ka iyo 2021-ka.

Midowga Africa ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay in ciidanka dowladda Soomaaliya ay helaan tababaro hormarsan iyo agab milatari oo ay uga kaaftoomi karaan ciidamada AMISOM, marka uu idlaado waqtigooda Soomaaliya.

Kulanka yeesheen guddiga nabadda iyo amniga ee Midowga Africa ayaa imaanaya xili la filayo in dabayaaqada bishan Febraayo kun askari laga dhimo howgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Golaha ammaanka ee QM ayaa horay u soo saaray qaraar qeexaya in sanad waliba kun askari laga dhimo howgalka AMISOM,si ciidanka Soomaaliya ay guud ahaan gacanta ugu dhigaan ammaanka dalka.

The post Midowga Africa oo ku baaqay in la diyaariyo ciidan amniga kala wareega AMISOM appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this