Sign in to follow this  
Deeq A.

Elwelu: Halis ayay ku jiraan ciidankeena Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliyaha Ciidanka Lugta ee Dalka Uganda oo todobaadkii la soo dhaafay soo gaaray Soomaaliya ayaa soo gaba gabeeyay kormeer uu ku sameeyay Saldhigyada Ciidamada Uganda ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Jeneraal Peter Elwelu, ayaa tagay Saldhigyada Ciidanka Uganda ee Gobolka Shabeellaha hoose,kuwaas oo ku kala yaalla Baraawe, Qoryooley, Marka iyo Ceeljaalle.

Waxaa uu kulan la qaatay Saraakiisha Ciidanka Uganda ee ku jira Saldhigyadaas waxaana uu kula taliyay in ay feejignaadaan.

“Waxaan ka walaacsanahay xaaladda bad qab ee Ciidankeenna halkan jooga” ayuu yiri Jeneraal Peter Elwelu, oo Ciidankiisa la hadlayay.

Waxaa kale oo uu yiri “ogaada, Al-shabaab waxaa ay joogaan dhulkooda,ha nasanina, markasta oo aad adinku nasataan waa marka ay idin soo weerarayaan”.

Wxaaa uu Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Uganda jeneraal Peter Elwelu, la kulmay Odayaasha Dhaqanka, Maamulka iyo Saraakiisha Ciidanka Degmada Qoryooley oo uu uga mahad celiyay sida ay ula shaqeeyaan Ciidanka Uganda.

Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@Live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this