Sign in to follow this  
Deeq A.

Hal arrin oo sabab u ah inay kordhaan qaraxyada MUQDISHO ka dhaca

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Maalmahaan oo oo magaalada Muqdisho ay kusoo kordheen qaraxyada iyo falalka dilka ay geysanayaan kooxda mayalka adag ee Al-Shbaab, iyadoo guud ahaan wadooyinka Muqdisho ay ku sugan yihiin ciidamo boolis ah oo haba yaraadee la arkin inay gacanta ku dhigaan kooxaha qaraxyada fuliya iyo kuwa dilalka geysta.

Waxaa isweydiin mudan sababta  ay u dhacaan qaraxyada xili kontoroolada tirada badan ee gaadiidka lagu istaajiyo wadooyinka oo la ogsoon yahay in gaarigii kasoo dhaqaaqa isgoyska Km4 ilaa wadada wadada Sayidka la joojiyo ilaa shan jeer.

Sababta ay u dhacaan qaraxyada iyo in gacanta lagu dhigo kuwa geysanaayo ayaa la aaminsan yahay inay tahay hal arin oo muhiim u ah laamaha amaanka inay wax ka badalaan si loo yareeyo qaraxyada maalmahaan kusoo kordhay Muqdisho iyo dilalka.

Arintaasi oo ah in askarta ku sugan wadooyinka ee gaadiidka ku istaajiyo kontoroolada ay ku leeyihiin wadooyinka iyo isgosyada oo aan haba yaraadee baaris ku sameyn gaadiidka, isla markaana kaliya weydiiya aqoonsi, sida ID Card iyo wixii la mid ah. Arinta labaad oo ah tan ugu muhiimsan oo askarta badankood ay dadka kula dhaqmaan, taasoo ah in ay weydiiyaan darawalka gaariga la rabay inay baaris ku sameeyaan inay weydiistaan wax la mid ah hal dollar in loogu tuuro taleefanka. askarigii hal dollar la siiyana waxaa hubinta ah in uusan fiirin qofka waxa uu yahay iyo gaariga wixii ku raran, una fududeynaayo inuu maro wadada xitaa hadey xeran tahay.

Waxaa hubinti ah in haddii ciidamada ku sugan wadooyinka ee loogu talagalay inay sugaan amaanka in sida ay tahay howshooda u gudaan una baarran gaadiid walba sida ay tahay in qaraxyada yaraan lahaayeen, kuwa hubeysan ee dilalka geystana la qaban lahaa. Laakiin askari baahan oo shaxaad raadis ah howsha laga sugaayo waxay la mid tahay “Dameer dhaami ee diyo boqol soo hooyi”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this