Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo war kasoo askari oo la sheegay in Soomaaliya looga dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykan ayaa beenisay in seddex kamid ah askarteeda ay ku weysay weerar ka dhacay saldhiga ciidamadooda ay ku leeyihiin Saldhiga Balidogle oo waqooyi galbeed kaga beegan caasimadda Soomaaliya, weerarkaasi oo dhacay maalintii jimcaha ee lasoo dhaafay.

Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa ku eedeeyay Al Shabaab inay sameeyeen sheegasho been ah, kadib markii ay sheegeen in seddex kamid ah ciidamada Mareykanka ay ku dileen saldhiga meletariga ee ciidamada Mareykanka.

“Wax khasaaro ah oo Mareykanka kasoo gaaray weerarka Balidogle ma jiro”sidaasi waxaa yiri afhayeenka taliska AFRICOM Christopher P. Karns oo la hadlayay wakaalada Wararka ee Xinhua “Shinwaa” “kooxda Argagixisada Al Shabaab waxay sameeyeen sheegasho been ah oo ah inay seddex kamid ah ciidamada Mareykanka dileen”

Afhayeenka wuxuu sheegay in xaaladaha ay ku jiraan Al Shabaab ay kor u qaadeyso inay sameeyaan faafinta wararka been abuurka ah.

Al Shabaab ayaa sheegay in dagaalyahano kamid ah kooxda ay weerar madaafiic ah ku qaadeen saldhiga Balidogle islamarkaana ay ku dileen seddex kamid ah ciidamada Mareykanka iyo shan xubnood oo Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu afhayeenka sheegay inay kor dhiyeen cadaadiska ay saareen kooxda Al Shabaab, wuxuuna sheegay in xiliyadii ugu dambeeyay laga gaaracay horumar la taaban karo.

“Sanadka 2019, waxaa Al Shabaab la saaray cadaadis joogto ah, oo ay qeyb ka tahay dowladda Soomaaliya, dadaalkaasi oo la doonayo in lagu wiiqo shabakada Al Shabaab.”ayuu hadalkiisa ku daray Afhayeenka taliska Africom.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this